LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sida Loogu Guulaysto Xiriirka Dadwaynaha

 
                           Sida Loogu Guulaysto Xiriirka Dadwaynaha



Xiriirka dadwaynaha ayaa waayihii u danbeeyay noqday mid ka mid ah,aaladaha ugu muhimsan marka laga hadlaayo hormarinta ganacsiga.waxaa sii wanaajiyay cilaaqaadka goobaha ganacsigu ay la leeyihiin dadwanala aalada isku xirka iyo baraha bulshada.

Inkasta oo ay jiraan dad ka qalinjabiyay kulyadaha la xariira cilaaqaadka dadwaynaha sida saxaafada ,hadana wali intooda badan ma lahan xirfadiiha looga baahnaa qof dhisaaya xiriir dadwayne oo mira dhal ah. Dadka xirfada u leh xiriirka dadwaynaha waxa ay leeyihiin cadooyin u gaar ah ,oo sabab ugu noqonaaya in ay hadafkooda ku guulaystaan.cadooyinka looga baahanyaahy qofka raba in uu ku guulaysto xiriirka dadwayna waa kuwa soosocda:-

1. Dabacsanaan

Xiriirka dawaynaha marka laga hadlaaya waxaa salgidh u ah,u dabacsanaanta macaamiisha, si aad u xaqiijiso  hadafka ganacsigaaga . hadii ay dhacdo in aad  si qalafsan ula dhaqantid macaamisha , waxaa dhacaysha in ganacsigaaga uu musalafo, maxaa yeelay macmiilka sida xun aad ula dhaqantay , waxa uu kaaga aargoosanaa in uu borabagaanda kaa fido, taasoo keenaysa in aad lumisid macaamiil farabadan.

2.waxbarasho Joogta ah

In aad noqotid qof ku fiican  samaynata cilaaqaad dadwayne oo mira dhal ah, waxa ay ku xiranatahy in aad leeyadahay jadwal waxbarasho oo ku saabsan maadada xiriirka dadawaynaha (macnaha in aad maalinkasta  aad aqrisid bugaagta  laga qoray culuumta Xiriirka Dadwaynaha). Aqriska joogtada ah waxa uu yaraynaaya khaladaadka laga yaabi lahaa in aad gali lahayd hadii adan wax aqri lahayn.

3. Xog aruurin

Waxaa laga rabaa qofka ka shaqaynaya xiriirka dad waynaha in uu markasta dadka uu la kulmayaa ka soo aruuriyo  macluumaad wax lagu dhisan karo si loo hormariyo Ganacsiga, markastana loola jaanqaado baahiyaha dadwaynaha. Sidoo kale waxaa la rabaa in la socdo ,waxyaabaha aduunyaada ka dhacaaya ee la xariira cilmiga xiriirka dadwaynaha.

4.Aragti Dheer yeelasho

Hadafka ugu dambeeya ee xiriirka dadweynuhu waa in ganacsi ama urur la saaro waddada saxda ah ee guusha.waxaa loo baahanyahay qofka ka shaqaynaaya dhisida xiriirka dawyanaha in uu ka fikira miradhalka shaqadiisa ee mustaqbalka danbe halkii ka fikiri lahaa shaqada adag ee maantaas uu qabanaayo iyo caqabadaha ka hor imaanaaya.

5. Dhisida cilaaqaadka

Xiriirka dadwaynaha muhimadiisu waa in cilaaqaad joogta ah lala yeesho macaamiisha iyo guud ahaan dadwaynaha si ganacsiga uu u samaysto shabakad balaaran, oo ku adan xiriirka dadwaynaha. Xiriirka bulshada waxa uu ku dhismaa furfurnaan,dulqaad, xalinta mashaakilada dadwaynaha haysta iyo  sifiican u dhagaysiga dadka.

6. Aqoon

Adeegyada aad rabtid bulshada in aan ka iibisid ,waxaa loo baahanyahy in aad aqoon fiican u leedahay, maxaa yeelay dad waynaha su’aalo badan ayay kaa waydiinayaan ,waxyaabaha aad kala hadlaysid markasta.sidoo kale waxaa loo bahanyahay in marka horaba adeega ganacsiga uu bixiyo in aad si wanaagsan u faahfaahi kartid.

7.Qoris Wanaagsan

In kasta oo horumarinta nuxurku ay qaadatay macno ballaaran beryahan dambe, aasaaska xiriirka dadwaynaha ayaa wali si weyn ugu tiirsan hal-abuurka macluumaadka.waxaa laga rabaa qofka ka shaqaynaya  xiriirka dadwaynaha in uu si dhaqsa ah buugiisa noot-ka ugu qorta si dhaqsa macluumaadka uu ka helay macmillka iyo guud ahaan dawaynaha isagoo si wanaagsan u dhagaysanaya, hadalkana aan ka dhexgaleen macmiilka ilaa uu ka dhamaysto hadalka.

8.Daacadnimo

Dacaadnimada shaqada iyo dadka aad xariirka la samaynaysid ,waxa ay inii dhisaysaa Ganacsiga iyo adigaba mustaqbal ifaaya.markasta waxaa loo bahanyahay in runta loo sheego macaamiisha iyo maamulka Ganacsiga si kalsooni ay u imaato. Hadii khalad ama gaabis uu kaa dhaco,Ha ka gaabinin in aad ka cudur daarato.

9. Qayb kasta oo shaqaada ka mid ah xooga saar.

Waxaa looga baahanyahay qofka ka shaqaynaya xiriirka dadwaynaha in uu si taxadar leh, howlahiisa oo dhan uu uga fikiro, isagoo qaybna aan dayaceen ,maxaa yeelay khalad yar oo dhaca ayaa musiiba noqon kara. Badanaa waxa ugu badan ,ee musiibooyinkaan sababi kara waa aaladaha dhigitaalka ah iyo baraha bulshada.

10. U dulqaadashada Dhaliisha

Waxaa caada iska ah , in dadka ka shaqeeya  cilaaqaadka ay la kulmaan dhaleecayn iyo afla gaado farabadan,waliba kuma sii jirto marka laga shaqaynayo goobaha miyiga sidaas daraadeed waxaa loobahanyahay in uu yeesho dulqaad farabadan iyo isdhiibid la’aan.

 

                                        Gabagabo

Inkasto uusan soo bandhigaynin,qoraalka kore shuruudaha xirfadlayaasha xiriirka dadwaynha,hadana waxaa loo baahanyahay in ay ku sifoobaan cadooyinka kor lagu soo xusay.

Post a Comment

0 Comments