Khaladaadka
Ay Sameeyaan Dadka Bilowga Ku Ah Blog
Qorista
Waxaa jira khaladaad badan oo
ay sameeyaan dadka ku cusub blog qorista, madaama aysan khibrada hore u lahayn
sida loo qora blog .hadaba halkaan waxaan idinkula wadaagaa , khalaadka
soolaalaabta ee ay sameeyaan dadka bilowga ku ah blog qorista.
Qorshayn Liidata
Qorshaynta liidata waxa ay
majaxaabi kartaa, waxtarka qoraalkaaga. Arintaan waxaa ka dhalanaysa isku
xirnaan la’aan, ka qayb qaadasho hoosaysa iyo qoraalka oo aan bayaan ahayn.
Haddii akhristayaashaada ay ku dhibtoonayaan inay fahmaan nuxurkaaga, way
adkaan doontaa kalsoonidooda in aad kasbatid.
Kahor inta adan dhex makhuuran
suuq-geynta, si fiican cilmi baaris ugu sameey dadka aad la hadlaysid iyo
mowduuca aad ka hadlaysid. Samee dulmar cad oo haga qoraalkaaga. Tani waxay
hubinaysaa in nuxurkaagu yahay mid si wanaagsan loo habeeyey, ujeedana leh.
Samaynta cinwaano iyo horudhacyo aan xiiso lahayn
Waxaad haysataa kaliya 8.25 ilbiriqsi si aad u qabsato dareenka aqristaayasha qoraalkaaga. Haddii cinwaankaaga iyo hordhacaagu aysan qancin, akhristayaasha waxaa laga yaabaa inay lumiyaan xiisaha blogkaaga.
Samee cinwaan soo jiidasho leh,
kaasoo ku kicinaaya aqristayaasha xiise,kuna qancinaya in ay sii aqristaan
blog-gaaga.raacsii horudhac soo jiidasho leh, oo soo daba aqristayaashaada,
kuna dhiiri galiya inay sii dhexgalaan nuxurkaga.
Dayacaada Soojiidashada Indhaha
In la iska indhatiro Soojiidashada aragga waxa ay yarayn kartaa akhriska guud ee qoraalkaaga, taas oo ku adkaynaysa akhristayaasha in ay kugu xirmaan oo ay haystaan macluumaadka aad wadaagayso.
dhexgali qoraalka dheer,
waxyaabo muuqaal ah sida sawirro,jadwallo ama muuqaallo. Hubi in walxaha
muuqaalka ah ee aad dooratay ay ku habboon yihiin blog-gaaga oo ay yihiin kuwo
tayo sare leh.
Yaraysiga Tafaftirida iyo sixidda
Khaladaadku waxay soo gudbiyaan
xirfad la'aan, taas oo meesha ka saaraysa kalsoonida aqristiyaashu ay ku qabaan
macluumaadkaaga. Sidaas daraadeed, daabacaadda macluumaadka aan la tafaftirin
waxay wiiqi kartaa kalsoonidaada.
Si taxadar leh u tafatir
macluumaadkaaga si aad u ogaato khaladaadka qoraalka iyo midka naxwe ahaaneed
iyadoo la hubinayo isku xirnaanta guud. Ka faa'iidayso barnaamijka sixidda ee
khadka tooska ah, ama kirayso tafatire khabiir ah si khaladaadka aad uga
nadiifiso qoraalkaaga.
La falgalin la’aanta Aqristayaasha
Waxaad lumi kartaa kalsoonida
aqristayaashaada, hadii adan ka jawaabin faalooyinkooda si joogta ah. Hab
dhaqanka nuucan oo kale ah, ayaa ka hor istaaga blog-gaaga cusub inuu helo
akhristayaal daacad ah.
Si firfircoon uga jawaab
faallooyinka akhristayaasha. kobci dareenkaaga bulshada adiga oo uga
mahadcelinaya jawaab celinta, kuna dhiirigelinaaya in ay mowduuca ka sii
doodaan . Dhisidda xiriirka aqristayaasha waxay kor u qaadaysaa saameynta guud
ee bloggaaga, waxayna aad suuragal uga dhigaysaa guusha mustaqbalka fog ee
blogger ahaan.
Ula dhaqmidda qoraalkaaga ugu horeeya ee blog sida qoraal hordhac ah
Ha ula dhaqmin qoraalkaaga ugu
horeysa ee blog sida qaybta "Aniga igu saabsan". Taa beddelkeeda, ka
hadal dhibaatada ama la wadaag aqristayaasha macluumaad qiimaha sare leh.
Akhristayaashu ma jecla macluumaadkaaga shakhsiyeed ilaa aad tahay qof caan ah
mooyaane.
Gabagabo
Daabacaadda qoraalkaaga blog-ga
ugu horreyaa waxa uu u baahan yahay qorshe habboon, soojeedin habaysan, tafatir
hufan iyo ka-qaybgalka aqristayaasha firfircoon. Adiga oo iska ilaalinaya
khaladaadka loo badanyahay ee kor lagu soo sheegay, waxaad bilaabi doontaa
safar blog qoris ah, oo aad ku xaqiijinaysid abaal marin sare.
0 Comments